Thursday 20 March 2014

Masmuur 50: Iigu naxariiso, Ilaahoow (Miserere mei Deus)





 Iigu naxariiso, Ilaahoow,
sida naxariistaadu u weyn tahay,*
oo jeceylkaaga weyn igaga tirtir dembigeyga.

Iga dhaq dembigeyga oo dhan,*
oo iga nadiifi xumaantayda.
Waan qirsanahay dembigeyga,*
xumaantayduna weligeed waa i hortaal.

Adiga, adiga keliya ayaan dembi kaa galay,*
oo wixii indhahaaga ku xun
baan anigu sameeyey.
Si xaqnimadaadu u muuqato
marka aad xukumayso,*
toosnaanta go’aankaaguna ay u caddaato.

Haddee xumaan baan ku abuurmay*
oo uurkii hooyaday dembi baan kaga dhashay.
Adigu waxaad doonaysaa
Iillaahinnimada qalbiga,*
moolka naftaydana wa xaad bartaa
caaqilnimadaada.

Hisoobka igugu firdhi,
waan sifaysmi doonaaye,*
i dhaq, caanaha waan ka caddaan doonaaye.
I maqashii hadal farxad iyo reyreyn leh,*
lafihii aad jejebisey
farxad bay la kici doonaan.

Wejigaaga ka jeedi dembiyadeyda,*
oo iga baabi’i xumaantayda oo dhan.
Igu abuur, Ilaahoow, qalbi nadiifsan,*
oo igu cusboonee ruux hagaagsan.

Hortaada ha iga cayrin*
hana iga ceshan ruuxaaga quddusan.
I sii farxadda badbaadintaada*
oo igu adkee ruux kuu jilbaysan.

Kuwa qaldan waxaan tusi doonaa jidkaaga,*
dembilowyaashuna adiga
ayey kuu soo noqon doonaan.
Iga xoree qaanta, Ilaahoow,
Ilaaha badbaadiyahayga ahoow,*
carrabkaygu xaqnimadaada ayuu faanin
doonaa.

Rabbiyoow bushimahayga fur,*
afkayguna wuxuu ku dhawaaqi doonaa
ammaantaada.
Adigu kuma farxaysid sadaqo xooleed,*
haddi aan xoolo kuu qalana ma yeelaysid.
Sadaqada aad doonaysid
waa ruuxa toobadkeenka ah,*
qalbi qoomamaysan oo hooseysan, Ilaahoow,
ma yasaysid.

No comments:

Post a Comment